Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya oo muddo lix bilood ah xareeyay Ciyaartoy meteli doonta Qaranka Soomaaliya.
magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday munaasabad aad u ballaaran oo lagu maamuusayay furitaanka xarunta cusub ee horumarinta cayaaraha fudud ee dalka Soomaaliya taas oo ay tahay markii ugu horeysay ee dalka Laga furo taariikhda inta la ogyahay.
Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ka dhacday isla xaruntan gudeheeda ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin farabadan oo ay ka mid ayaayeen guddoomiyaha gobaka Banaadir Maxamed Cusmaan cali Dhaaxtuur,ku simaha GOS Caaji Cabdi Cilmi Warsame, ku xigeenka GOS ee arrimaha dishibiliinka Prof Maxamed Cali cadow, ku simaha Cayaaraha Fudud Drs Khadiija Aadan Daahir, Xoghayaha guud ee iriirka Cayaaraha Fudud Farax Cali Macallin, Abwaan Maki xaaji Banaadir masuuliyiin kale,cayaartoy iyo qeybaha war baahinta ee gudaha iyo dibada.
Xoghayaha Xiriirka Cayaaraha Fudud Faarax cali Macallin oo ugu horeyn munaasabadii maanta ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in muddo sanado ah lasoo waday qorshaha ku aadan sidii xaruntan loo hirgelin lahaa waxaana uu mahadecelin balaaran ujeediyay dhamaanba intii gacanta ka geysatay oo ay ka mid yihiin: Guddoomiye ku xigeenka GOS ee xiriirka caalamiga ah Duran Ahmed Faarax, guddoomiyaha Xiriirka Cayaaraha Fudud Prof Maxamed Cali Maxamed, Bilad Dahable Cabdi Bile Cabdi, macallin Jamac Karaaciin Maxamed Suleymaan iyo rag kale oo ka mida taageerayaasha cayaaraha fudud ee Soomaaliya.
Xaruntan cusub waxaa u dhameystiran qalabkii loo baahanaa,sida sariiro jiif wanaagsan, Ceel biyood weyn,shaahadaha TV-ga oo ay cayaartoydu daawan doonaan xiliyada ay firaaqada leeyihiin, qalabkii tababarka oo dhameystiran iyo wax kasta oo lagama maarmaan u ah soo saarista cayaartoyda,iyadoo sidookalana ay xarunta diyaar ku yihiin macalimiintii loogu talagalay in ay cayaartodya casharo siiyaan.
Waxaa hadal aad loogu faxray ahaa mar uu xoghayaha guud ee xiriirku munaasabada ka sheegay in cayaartoy laga baadi goobayo gobalada dalka Soomaaliya gaar ahaana dhulalka baadiyaha ah oo ay suuragal tahay in laga helo rag aad ugu dheereeya orodka iyo bootinta una baahan tababar oo keliya.
Ku simaha guddoomiyaha GOS Xaaji cabdi Cilmi warsame ayaa isna sheegay in talaabada uu qaaday xiriirka Soomaaliyeed ee cayaaraha fudud ay tahay mid dhiiri gelin leh oo ku dayasho mudan waxaana uu muujiyay rajada weyn ee uu ka qabo in cayaaraha fudud ee Soomaaliya ay ku talaabsadaan horumar aan horay loo arag isagoo ku bogaadiyay bahda cayaaraha fudud talaabada horumarineed oo ay maanta qaadeen.
Abwaanka Soomaaliyeed ee caanka ah Maki Xaaji Banaadir ayaa isna ka mid ahaa marti sharaf lag casuumay munaasbadan in ay ka hadlaan waxaana uu sheegay in furitaanka munaasabadani uu ka dhigan yahay Muqdisho xaal marinteeda maadaama ay bur bur iyo dagaalo horay ugasoo daashay hadana ay muuqato in loo kacay dhinaca dhismaha.
Waxaa uu Abnaanku ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay wax kasta oo karaankooda ah ku taageeraan isboortiga Soomaaliyeed oo haatan uu sheegay in uu u baahan yahay gacan siin weyn maadaama booskii dowladnimadu uusan wali buuxsamin,inkastoo duqa Magaalada Muqdisho maxamed Cusmaan Dhagaxtuur uu sheegay in uu wax kasta oo karaankiisa ah la garab istaagayo horumarinta Isbooriga dalka
Waxaa uu Abwaanku ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay wax kasta oo karaankooda ah ku taageeraan isboortiga Soomaaliyeed oo haatan uu sheegay in uu u baahan yahay gacan siin weyn maadaama booskii dowladnimadu uusan wali buuxsamin,inkastoo duqa Magaalada Muqdisho maxamed Cusmaan Dhagaxtuur uu sheegay in uu wax kasta oo karaankiisa ah la garab istaagayo horumarinta Isbooriga dalka.
Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur oo isna hadalka lagu soo dhaweeyay ayaa waxaa uu sheegay in maamulkiisa cusubi uu wax kasta ka hor marinayo dhismaha isboortiga oo uu ku tilmaamay in uu yahay waxa keliya ee gacanta ka geysanaya is dhex galka bulshada iyo nabadeynta dalka Soomaaliya.
 
 
                                           Waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh