Wafdi Isboorti oo Minnesota ka socda oo u baqoolay Puntland

                           

                                                                                 

                                  

Wafdi isboorti oo ka kooban Afar ruux  kana  socda ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan (SYDOM), iyo suxuufiyiin ka socda Universal TV  qaybteeda North Amerika  iyo Somali  Media  Minnesota  ayaa  maalinimadii ay taariikhdu ku beegnayd  December 15 keedii 2009 ka dhoofay  garoonka dayuuradaha ee Minneapolis/Saintpaul ee gobolka Minnesota iyaga oo ku sii jeeda  Maamul goboleedka Puntland , halkaasi oo ay kaga qaybgali doonaan cayaaraha  isboortiga ee gobolada iyo degmooyinka  ee  sida xiisaha badan uga socda halkaasi.

Wafdigaasai  ayaa waxaa  hoggaaminaya Axmed Daahir Axmed oo ka mid ah macallimiinta xulka qaranka wiilasha Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga, kana mid ahaa ciyaaryahannadii xulka qaranka Soomaaliyeed ee K/Koleyga iyo naadigii Horseed ., haatanna ka mid ah tababarayaasha K/Koleyga dhallinta Minnesota. Sidoo kale waxaa wafdiga ka mid ah Cabdiraxmaan Guuleed Cawaale oo bulshada isboortiga ay ugu yeeraan “Aamaan”, kana mid ahaa ciyaaryahannadii qaranka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta  iyo naadigii Batroolka, haatanna ka mid ah  tababarayaasha  dhallinta yaryar  K/cagta ee gobolka Minnesota.

Sidoo kale waxaa wafdigaasi ka mid ah: Cabdimaalik Askar iyo Zakaria Adan “Xaayoow” oo labaduba ka mid ah suxuufiyiinta Universal TV qaybteeda North Amerika iyo wariyayaaasha loogu jecel yahay Somali Media ee gobolka Minnesota.

Haddaba wafdigaasi iyo waxa ay kala soo kulmaan Puntland State kala soco qormooyinkeena dambe inshaa-Allahu.

 

                                                                    Diyaariye:Shiikha