Casho sharaf iyo soo dhaweyn loo sameeyey guddiga Olympicada Qaranka Soomaaliyeed oo u hogaaminayey guddomiye Xaaji Adan Yabarow (Wiish) ee Copenhagen DK
Malinimadi khamiista ahayd 01 okt 09 magaalada Copenhagen ee dalka Danmark soo caga dhigtey wafdi qaran oo u hogaaminayey guddoomiyaha GOQS Aadan Xaaji Yabarow (Wiish), xoghayaha guud ee GOQS Abdullahi Tarabi, guddoomiye ku xigeenka kowaad mudane Duram, iyo mudane Cabdiqani Carab oo ka socdey xariirka kubbada cagta Soomaaliyeed.

Wafdigaan oo ay u yimaaden sidii ay ugu qeyb gali lahaayen shirweynihii Olympicada aduunka lagu qabanaayey magalaada Copenhagen kaasoo lagu dooranaayey wadankii marti galinaayey olympicada aduunka sanadka 2016ka oo ay ku tartamayeen afarta magaalo Rio De Janeiro Brazil, Madrid Spain, Tokyo Japan iyo Chicago USA, waxaana ku guuleystey Rio de Janeiro.
Markuu u soo dhamaadey shirweynihii qaran ee Olympicada, ayaa maalinimadi Sabtiga ahed 03.10.09 casha sharaf oo eed u qiimo badan ay soo agaasimeyn kooxda weyn ee Olympic Amager IF oo ka dhisan magalada Copenhagen ay sameeyen Guddiga Olympicada Qaranka Soomaaliyeed, xafladaan cashada iyo soo dhaweynta iskugu jirtey ayaa faruy u qabilsanaha xagga arimaha dibadda mudane Seylac Ahmed Direye, asagoo halkaas ku soo dhaweeyey uguna mahad celiyey sida sharafta leh ay maraca Soomaaliyed ugu soo mujiyeen shirweynihi qaran ee Olympica aduunka, taasooy ay sharaf weyn noo tahey anaga iyo umadda Somaliyeed meel walbo ay joogan, kadib ayuu ku soo dhaweeyey hadalka guddomiyaha sportska somaliyeed ee Danmark ama Somali Danmark Sports and association (SODSA) Mudane Ali Osman Heile (Ali Bucci) asago ugu hambalyeeyey uguna mahad celiyey sida sharafta leh ay ugu qeyb galeen shirweynihii Olympicada iyo howsha culus ay u hayaan umada Somaliyeed, intaas ka dib ka warbixiyey qaabku u dhisan yahey ururka SODSA, waxaa hadalki qaatey guddomiye ku xigeenka Olympic A, mudane Abdiwahab Hassan, sidoo kale asna ka warbixiyey ururka ama kooxda Olympic Amager IF goortii la aas aasey oo aheed 2003, sababihii loo aas aasey oo aheed in laga hormariyey dhalinyarada xagga sportska, dhaqankooda iyo dhanka waxbarashadooda, hadey noqon laheed xag aqiro iyo xag aduunyo.
Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Mudane Abdulahi Ahmed (Tarabi) oo ah xoghayaha guddiga Olympickada qaranka soomaaliyeed ayaa marka hore ka mahad celiyey sida qaliga ah loo soo dhaweeyey kana war bixiyey ujeedada iyo wax qabadka Olombikada Soomaaliyeed, ísagoo halkaas ugu soo jeediyey in dadaalka halkaas laga sii wadi iyo qaabkii sportska Somaliya wax loogu qaban lahaa, sidoo kale waxaa hadalki sii qaatey guddoomiye kuxigeenka 1-aad Md. Duraan Faarax Axmed mahad celin kadib kula dardaarmey in lagu daro dhinacyada kala duwan ee olympicada, sida cayaaraha fudud, waran tuurka iwm. Waxaa hadalkii qaatey Mudane Abdikani Arab oo oo ka socdey xariirka kubada cagta somaliyed asna ka warbixiyey sportska somaliya siiba fooballka iyo qaabki cayaartooy mustaqbal leh loogu diyaarin lahaa qurbaha, asagoo nasiib wanaag kula kulmey halkaas macalimuu Nuur Suufi Maxamed (Nur Gab) kala tashadey qaabki cayaartoy qaranka Somalia anfaci karo loogu heli lahaa wadanka Danmark, intaas kadib dood ido suaalo leys dhaafsadey oo ay is dhaafsaden guddiga Olympic Amager iyo xariirka GOQS.
Intaas ka dib ayaa hadalkii lagu soo dhaweeyey guddomiye Wiish ayaa ugu horeyn ka mahad celiyey cashadii sida qiimaha laheed lo soo agaasimey, kana warbixiyey heerarkii kala duwanaa ee Olympickada Soomaaliya uu soo maray iyo waxyaabihii uu soo qabtay, kooxda Olympic Amager kula dardaarmey iney dadaalkooda sii laba laabaan,
Gunaanadki halkaas duco qatimaad ah halkaas ka jeediye laguma sharfey ka duceeyeyo Macalin Nur gab-
Casha sharaftaas dadkii ka soo qeyb galey ayaa kala aha.
Mudane Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) Guddomiyaha GOQS
Mudane Duraan Faarax Axmed guddoomiye kuxigeenka 1-aad GOQS
Mudane Abdulahi Ahmed (Tarabi) oo ah xoghayaha guddiga GOQS
Mudane Cabdiqani Carab oo ka socdey xariirka kubadda kubadda cagta Somaliyeed.
Maxamed Shukri u qabilsanaha Danmark GOQS
Ali Osman Heile Guddomiyaha Sportska Somaliyeed ee Danmark (SODSA)
Nuur Suufi Maxamed (Nur gab) Macalinka Danmark
Cabdikarim Muse Farah Guddomiyaha Olympic Amager IF
Abdiwahab Hassan Ahmed Guddomiye ku xigeenka Olympic Amager IF
Seylac Axmed Diriye Arimaha dibada Olympic Amager IF
Qalid Axmed Xuseen (Macalin) Arimaha Gudaha Olympic Amager IF
Siid-Cali Cumar Jalba Macalinka kooxda Olympic Amager IF
Waxaa diyaariyay Xasan Wiish