Cayaartoydii Benadir FC ee loo xushay qaranka Somali diaspora

 oo diyaargarow bilaabay.

Sadex cayaartooy oo ka mid ahaa cayaartooydii tayada lahayd ee ee sanadkii 2008 u cayaarayey kooxda Benadir FC ee ka dhisan wadanka Sweden ayaa waxaa lagu wargaliyey in ay diyaargaroow galaan, iyadoo ay soo dhowaatay waqtigii ay u ambabixi lahaayeen safarka Jabuuti, Gudoomiyaha Somali diaspora Sweden mudane Maxamed Muse (Jabros) ayaa  kuwargaliyey labada kooxood ee kala ah Jeenyo FC iyo Benadir FC in ay diyaariyaan cayaartooydii laga xushay tartankii cayaaraha xagaaga 2008  kana dhacay Stockholm.

Kooxda Benadir FC ayaa sanadkaan nasiib u yeelatay in laga xusho sadex cayaartooy oo kala ah Maxamed Jama, Ali Albertini iyo Abdulkadir Hassan waxa ay ka cayaaraan 2 qadka dhexe iyo 1 cayaartooy oo difaac ah, cayaartoooydaan ayaa ah cayaartooy ay xusheen macalin Giftin, macalin Dahir Gacamey oo ah macalinka Somali diaspora iyo macalin Bashiir Jeenyo oo ah rug cadaa isborti. Kooxda Benadir FC ayaa ah kooxda ugu faca weyn kooxaha ka dhisan Sweden iyagoo horay usoo maray cayaartooy farabadan oo isugu jira senior iyo junior, Cayaartooyda ugu magaca dheer cayaartooyda ka cayaarta Stockholm ayaa waxaa 80% ay ka tirsanaayeen ama soo mareen kooxda Benadir FC.

 

Sadexdaan cayaartooy ee laga xushay Benadir FC ayaa ah kuwa wajigooda ku cusub yahay  isbortiga Sweden, mar ay ka hadleen maamulka koxda Benadir FC cayaartooydaan ayaa yiri sidaan, waxaa nalagu yaqaan in cayaartooyda aan soo saarno sidii warashad oo kale, cayaartooydaan iyo kuwa kale oo aan wali la baran waxa ay ka mid noqon doonaan hadii alla idmo kuwa ka gala baal dahab  kubadda cagta Yurub, waxaana rajeyneynaa in qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed ka heli doonaan marka ay arkaan farsamadooda, kana xulan doonaan marka ay Jabuuti ku kulmaan bisha Maarso 2009 hadii alla idmo.

 

 

Ibrahim Galbeyte

Stockholm Sweden