
Ka biloow bidix: Abukato daahir, saleey iyo
Macallin Cabdi Cumar
Qado sharaftaasi oo si aad ah loo soo agaasimay waxaa lagu qabtay magaalada Minneapolis iyadoo isku soo dubaridkeeda ay ka shaqeeyeen ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota (Somali Youth Development Organization in Minnesota) oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan SYDOM , iyo halgamayaashii isboortiga ee naadigii Horseed. waxaana ka soo qayb galay marti sharaf sport , odayaal Isboorti, Macallimiin isboorti oo isugu jira kubadda cagta iyo koleyga,, Ciyaaryahannadii qaranka ee kubadda koleyga iyo cagta naadiyada heerka 1aad iyo rag ka tirsanaa maamuladii isboortiga ee Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen:
Yuusuf Muuse , Cabdi Yuusuf,Garsoore qolof, macallin Ibraahim Suudaani, Macallin Idiris , Macallin Cabdi Cumar ,C/qaadir “shiikha”, Axmed Daahir ,C/qaadir Madaxey, Maxamoud Ciise,Saleymaan Saley, Abukaato Daahir, C/qaadir Dalmar Xaashi oo ka tirsanaa ciyaaryahannadii kubadda miiska ee naadiga Horseed, Axmed Ibraahim iyo Maxamed Ibraahim. Waxaana cudur daar uga maqnaa halkaasi guddoomiyaihii isboortiga ee gobolka Minnesota Cabdi Cali Macallin.

Macallin Ibraahim Suudaani,Yuusuf Muuse
iyo Cabdi Yuusuf
Macallin cabdi Cumar iyo garsoore Qolof

Madaxey, Daahir,Axmed iyo dalmar
Qado sharaftaasi oo lahayd laba ujeeddo ayaa tan hore ahayd Soo dhaweyn loo sameynayay Rag Magac iyo maamuus ku lahaa isboortiga Soomaaliyeed oo booqasho ku yimid gobolka Minnesota iyadoo tan kalena ay ahayd sii dhaweyn loo samaynayay Tababarayaasha xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga iyo ciyaartooy ka socota gobolka Minnesota oo u socdaalaya jamhuuriyadda Jabuuti halkaasoo ay kaga qayb-galayaan cayaaro saaxiibtinimo oo loogu magac daray toddobaadka dhaqanka iyo isboortiga oo ay ku casuumeen ururka loo yaqaan Somali Diaspora Culture & Sports Association oo ka dhisan London.
Marti sharafta noogu timid dibadda waxaa ay kala ahaayeen:
1) Daahir Xasan Cabdi”Abukaato Daahir” oo noogu yimid dalka ingiriiska gaar ahaan magaalada Leicester.
2)Suleymaan Cabdulqaadir oo ku magac dheeraa (Saley) oo noogu yimid Virginia iyo
3)Cabdi Cumar Macallin oo ka mid ahaa tababarayaashii iyo ciyaartooydii Kubadda cagta ee naadiga Horseed.
Qadadii ka dib ayaa halkaasi waxaa laysku dhaafsaday hadalo soo dhaweyn iyo sii dhawayn isugau jira oo ay jeediyeen dadkii halkaasi isugu yimid.

C/qaadi "Shiikha' iyo Saleey
Saleey, Maxamuud Ciise iyo Madaxey



Cabdi Yuusuf oo ka tirsanaa maamuladii iyo taageerayaashii naadiga Horseed , markii dambena noqday guddoomiyihii cayaaraha gobolka Banaadir muddadii dagaalada sokeeye ay socdeen ayaa ugu horrayntii hadalka furay, isaga oo martidii halkaasi joogtay ku soo dhaweeyay gacmo furan iyo qalbi saafi ah oo ay u hayaan bahda isboortiga ee gobolka Minnesota , waxaana uu ka warbixiyay bulshada caafimaadka qabta ee isboortiska ee ku nool gobolkan Minnesota sida ay ugu heelan yihiin mar kastaba inay soo dhaweeyaan martida isboorti ee dibadda uga timaada. Dabadeedna waxaa uu ku soo dhaweeyay Guddoomiyihii hore ee naadiga Horseed Yuusuf Muuse.
Yuusuf Muuse ayaa isaguna si wanaagsan u soo dhaweeyay dhallinyaradaasi, waxaana uu kula dardaarmay bulshada isboortiga in la joogteeyo isu imaatinka noocan oo kale ah oo wax wayn ka tari kara iska warqabka bulshada isboortiga ee ku kala firirsan dalka gudahiisa & dibaddiisa. Ugu dambayntii Yuusuf Muuse waxaa uu kula dardaarmay Macallimiinta qaranka iyo cayaartooyda u ambabaxaysa jabuuti inay guulo la taaban karo ka soo hooyaan tartamadaasi saaxiibtinimo oo ay ka qayb-galayaan.
Ugu dambayntii garsoore Qolof oo halkaasi ka hadlay ayaa isaguna soo dhaweeyay martida ka kala timid meelaha duwan..waxaana uu si gaar ah ugu guubaabiyay macallimiinta qaranka inay waqti hore diyaariyaan ciyaartooyda si isfahamkooda loo hagaajiyo, waxaana uu u rajeeyay safar wanaagsan iyo soo noqosho dambe in shaa-allah.
Martidii halkaasi isugu timid Abukaato Daahir, suleymaan Saley iyo Macallin Cabdi Cumar ayaa iyaguna ka mahad celiyay casuumaaddaasi loo sameeyay.
Dabadeed waxaa loo dareersaday garoonka kubadda koleyga oo ay ku ballansanaayeen odayaasha cuslaaday oo laba kooxood u kala baxay. Kooxdii uu watay Suleiman saley ayaa ka koobnaa: Saley, C/qaadir Shiikha, Madaxey, Abukaato Daahir,iyo Maxamed, halka dhanka kalena ay ka soo jeedeen: Maxamuud Ciise oo kooxda watay , Axmed Daahir, Abuukar Bakar, Macallin Idiris iyo Saadiq.
Iyadoo labada kooxood uu xafiiltan aad u sarreeyay ka dhaxeeyay ayaa Soomaalidu horay ugu maahmaahday oo tiri “ Gari laba nin kama wada qosliso” waxaa guushii la hoyday oo Virginia la aaday kooxdii uu watay Suleymaan saley oo iyagu keensaday 82 dhibcood, halkii kooxdii Maxamoud ciise ay ka keensadeen 79dhibcood.
waxaa iyaduna xusid mudan in cayaar saaxiibtinimo ay wada cayaareen odayaashii cayaaraha ka cuslaaday iyo dhallinyarada gobolka Minnesota.
Haddaba haddii aan in yar jalleecno taariikh nololeedkoodii isboortiga oo gaabaan martidii halkaasi noogu timid ayaa ah sidan:
Tababare Cabdi Cumar Macallin waxaa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho, sannadku markuu ahaa 1948kii.
1968kii ayuu markiisii ugu horraysay u saftay naadiga Jeenyo heerka 2aad iyo heerka 1aad labadaba. Sannad dabadeed waxaa uu u wareegay naadiga Munishiibiyo oo uu ka tirsanaa ilaa 1971kii.
1971kii ilaa 1976kii ayuu u safanayay naadigii Horseed isaga oo loo qaatay sargaal ka tirsan ciidamada qalabka sida.
1971kii ilaa 1975kii ,macallin Cabdi Cumar waxaa uu ka tirsanaa ciyaaryahannadii qaranka kubadda cagta ee Soomaaliya.
1978 kii ayaa tababre Cabdi Cumar waxaa uu noo noqday tababaraha juunyeerka naadiga kubadda cagta ee Horseed, iyo tababare xigeenka heerka 1aad ee naadiga Horseed (Assistant Coach).
1981 kii oo ahayd markii uu tagay kooxda horsed macallinkii weynaa Ibraahim Suudaani ayuu macallin Cabdi Cumar si toos ula wareegay hoggaanka kooxda kubadda cagta heerka 1aad ee Horseed oo uu la joogay ilaa sannadka dhammaadkiisii.
1982 kii ayuu tababare Cabdi Cumar u dhoofay dalkaasi sacuudi carabiya, waxaana uu tababare u noqday mid ka mid ah kooxaha heerka 3aad ee ka dhisan sacuudiga oo lagu magacaabo AL UQDUUD,muddadii uu kooxda la joogayna waxaa uu soo gaarsiiyay ilaa heerka 2aad, waxaana kooxdu ay ka mid noqdeen kooxaha ciyaarahoodu loogu jecel yahay ee ka dhisan Sacuudiga.
Sannadkii 2003 ayuu macallin Cumar waxaa uu tababar uga furay magaalada Rochester ee carriga Maraykanka dhallinyaro Soomaaliyeed oo uu aqoontiisa uga faa’iideeyay isaga oo gacanta ku hayay muddo 4 bilood ah.
Macallin Cabdi Cumar haatan waxaa uu ku nool yahay magaalada Saint-paul ee gobolka Minnesota.
Daahir Xasan Cabdi (Abukato Daahir), waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sannadku markuu ahaa 22 Decemcber 1953. Daahir in kasta oo uusan isboortiga ka gaarin heer sare, haddana waxaa ay u ahayd ilaa haatanna u tahay wax nolol maalmeedkiisa ka mid ah oo uu aad u jecel yahay, gaar ahaan kubadda koleyga.
Jacaylaaksi uu u qabay darteed ayuu markiisii ugu horraysay u saftay degmada Madiina oo uu macallin u ahaa Macallin Baadweyne oo ka tirsanaa tababarayaashii naadiga Horseed, dabadeedna waxaa uu sannadkii 1974kii u cayaaray dugsigii sare ee Yuusuf Al kowneyn oo ay sannadkaasi ku guulaysteen kaalinta 2aad. Dabadeedna 4 tii sano oo uu dhiganayay Jaamacadda Gahayr ,waxaa uu u ciyaaray kulliyadda Sharciga ee Gahayr.
1984kii -1990 kii Abukato Daahir waxaa uu ka tirsanaa looyariintii waaweynayd ee soomaaliya oo la magic baxay Iskaashatada qareenada soomaaliyeed..
1992 kii waxaa uu United Nations u ahaa la taliye xagga sharciga “legal adviser”
2005/2007 waxaa uu ahaa la taliyaha sharciga ee xafiiskii Raiisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.
1998 ayuu soo galay dalkaasi ingiriiska, waxaana uu deggan yahay magaalada la yiraahdo Leicester oo uu isaga iyo saaxiibadiisa ay ka abuureen barnaamijyo isboorti , waxaana Abukaato Daahir uu noqday guddoomiyihii ugu horreeyay maamulka Isboortiga ee leicester (L, Somali Sports Association) muddo saddex sannadood ah , waxaana ay qabtaan tartamo kubadda cagta iyo koleyga oo laysaga yimaado magaalooyinka ku dhawdhaw leicester iyo hareeraheeha.
Abukaato Daahir haatan waxaa uu ka tirsan yahay Guddiga Isboortiga ee leicester,waana qabiirka xorta ah ee Immigrationka kala shaqeeya kiisaska Soomaaliyeed “free lance Somali Country expert”.
Suleymaan Cabdulqaadir Abuukar oo bulshada Isboortiga ay ugu yeeraan (Saley), waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada shingaani sannadku markuu ahaa 1968 kii.waxbarashadiisa dugsiga hoose & dhexe waxaa uu ku dhammaystay dugsiga Xaawo Taako, dugsiga sare waxaa uu ku dhammaystay Bartamaha.
1985 kii ayuu markiisii ugu horreysay u saftay ciyaarihii degmooyinka gobolka Banaadir, isaga oo u saftay degmada Shingaani ,waxaana ay ku guulaysteen kaalinta 2aad.
1986 kii ayaa suleymaan saley loo qaatay Naadiga dawladda hoose Heerka 2aad,waxaana uu ka qayb galay asagoo masalaya naadiga dawladda hoose tartankii naadiyada kubadda koleyga heerka 2aad waxaana kooxdiisii ay ku guulaysteen kaalinta 1aad.
1987 kii ayuu Saley nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo ciyaartooydii loo xulay inay masalaan gobolka Banaadir, waxaana tartankaasi uu ka muujiyay wacdaro aad u sarreeya isaga oo aad loola dhacay qaab ciyaareedkiisa , waxaana kooxdiisa gobolka Banaadir ee uu hormuudka u ahaa ay sannadkaasi ay ku guulaysteen kaalinta 1aad.
Isla sannadkaasi ayaa Suleymaan Saley loo qaatay naadiyada heerka 1aad ee kubadda koleyga isaga oo u saftay naadiga Muqdisho, waxaana kooxda uu la qaybsaday guushii ay ku hantiyeen koobka horyaalka kubadda koleyga naadiyada heerka 1aad (Seria A)iyada oo kooxdu ku guulaysatay kaalinta 1aad.
Nasiib wanaag suleymaan kuma sii nagaan dalkii soomaaliya, waxaana uu u baqoolay dalkaasi Maraykanka isla sannadkaasi 1987 kii, iyada oo aad loogu hanweynaa qaab ciyaareedkiisa wanaagsan oo soo jiidan jirtay indhaha dad badan oo ka tirsanaa taageerayaasha guud iyo kuwii gaarka uu u lahaa naadiga Muqdisho.
Suleymaan saley haatan waa xaas leh 4 caruur ah, waxaana uu ku nool yahay Armandale,Virginia (USA).
Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh