Salaad Gaab "Faarax geeridiisa si weyn beey ii taabatay, waxaana ku aqiinay inuu ahaaa..."


Guddoomiye ku-xiegenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Salaad Macalin Maxed (Salaad Gaab) wuxuu ka mid yahay shaqsiyaadkii isaga danbeeyey hogaanka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, wuxuuna soo qabtay xilka Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.salaad wuxuu ku guulaystay bilad dahab ah oo ay fifa guddoonsiisay sanadkii 2004.salaad wuxuu ahaa ninkii abuululay tartamadii lagu qabtay stadiya muqdisho sida tartankii xidigaha muqdhisho iyo kii iftiinka nabadda waxayna xiligaas iska soo horjeedeen rag sheegtay in ay yihiin madaxda xiriirka oo hal dhinac wax ka waday xiligaas,markii dambe waxaa soo dhex galay rinta allaha u naxariistee faarax zindiko oo ku amray raggii xiligaas uu u ahaa madaxda kuna amray in la mideeyo sportiga oo la soo dhaweeyo dhalinyarada cayaaraha ka wada stadiya muqdisho shirar badan ka bacdina sanadkii 1997 ayaa la mideeyey sportiga gaar ahaan k/cagta, Salaad haatan wuxuu ku sugan yahay wadanka Austrelia, waxaana la yeelanay xogwareysi gaaban, waxaana xogwareysigiisu u dhacay sidatan:

Waraysi aan layeeshay isga oo kusugan dalka Asturia ayaa waxaa udhacay sida tan.

C.swedan.l. Ma ku jirtaa howlihii Isboortiga mise waa isaga baxday.?
Salaad Gaab. Bismillaahi Raxmaani Raxiim.... Howlihii Isboortiga waan ku jiraa kamana aan bixin maxaa yeelay sportiga dhiigayg ayaa ku shaqeeya oo haddii uu qof ka fariisanaayo waxaa ka fariisan lahaa allaha u naxariistee faarax zindiko wuxuuna ahaa nin ganacsade ah, qof kasta ee ama taageera ahaa, ama ciyaartooy soo noqday, ama xil isboorti soo qabtay haddiiba ay dhab ka aheyd jaceylka isboortiga weligii isboorti buu ahaanayaa, isboortigana waa wax qofka hobi u noqda, ee ma ahan wax uu ka baxo, laakiin haddii uu massul ahaa wuu noqon karaa (re-tire).
Suįal. Ka waran sideey kuu taabatay geeridii (AUN) Marxuum Faarax Weheliye Caddow (Sindiko) oo ahaa halyey isboorti, aqoontii gaar ahaaneeed ee aad u laheydse wax ma inooga sheegi kartaaa.?

Salaad Gaab. Horta waxaan leeyahay Faarax ALLE ha u naxariisto, geeridiisuna si weyn beey ii taabatay aniga, wuxuuna ii ahaa saaxiib gaar ah, magaca ugu yar ee bahda Isboortiga ay maanta siin kartana waa inuu ahaa AABIHII ISBOORTIGA Soomaaliya, teeda kale, wuxuu ahaa Faarax halyey Isboorti oo ka baxay ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna ka tegay dhaxal badan oo lagu xusuusan doono, aniga Salaad Gaab ah waxaan la soo shaqeeyay Farah zendiko laga soo bilaabo 1997 oo aan ka mid ahaa Guddiga fulinta ee xirirrka soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, sidoo kale 2001 oo aan ka mid ahaa guddoomiye ku-xiegenadii xirirka soomaliyed ee Kubadda Cagta ayaan si toos ah ula soo shaqeeyay Faarax, 18-kii September 2003 ayuu si toosa iigu wareejiyey xilka Guddomiyaha Xiriirka K/cagta ka dib markii ay isku dhaceen Faarax hogaanka sare ee FIFA, marka Faarax wuxuu ahaa nin xadaari ah oo qof kastaba waxa uu ka doonayo garan kara, kumana dhaqmi jirin cudurkaan Soomaalida dilooday ee qabyaalada ah, wuxuuna qof kasta kula macaamili jiray kartidiisa & waxqabadkiisa. mana aheyn dadka dadka iskala weyn ee wuxuu ahaa qof dadka dhageysta, oo hadaladoodana ka qaata fikir.

C.swedan.. Waqtigii aad soo aheyd Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta waxyaabihii aad Isboortiga u qabatay maxaa ka mid ahaa oo laguugu xusuusan karaa.?
Een.. runtii Isboortiga Soomaaliya 18-kii sano ee uu dalku dowlad laįanta ahaa wuxuu soo maray maraaxilo kala duwan, aniga dadkii soo shaqeeyey xilligii ay xaaladu ugu adkeyd baan ku jiray aniga & rag aad u fara badan, waqtigii aniga aan hayey Guddoomiyaha Xiriirka ahaa runtii wax badan baa inoo qabsoomay haddii ay aheyd tartamo kala duwan oo aan qabanay, haddii ay aheyd ciyaaro caalami ah oo aanu ka qeybgalnay, siminaaro fara badan oo loo sameeyey garsoorayaal & ciyaartooy, waxaana xaqiiqo aheyd inuu waqtigaasi jiray khilaafka dhinac xiriirada ku saabsan, laakiin ILLAAHEY mahadiis khilaafkaasi isaga oo taagan ayaanu ku shaqeynaynay is-xilqaam & jaceyl aan isboortiga u hayn, aniguna ma aheyn shaqsi runtii Isboortiga ka raadinayey dhaqaale & magac ee waxaan ahaa shaqsi aad u daneynayey horumarka isboortiga hiwaayadiisuna aheyd isboorti,waxaan nasiib u yeeshay anigoo hugaaminaayo wafdi ka tirsan xirirka k/cagta in uu wafdigaas uu noqday wafdigii ugu horeeyey oo casumaad rasmi ah ka helo fifa in uu jiray x.s.k.cagta sida ay noo sheegeen madaxda fifa oo calankii soo maaliya iyo kii fifa subaxaas ay wada surnaayeen xarunta fifa oo aan labada calan hoostooda aan isku sawirnay,xarunta fifa waa la tagi karaa oo meel umadda ka dhaxeysa balse maalintaas waxayahayd maalin aad u qiimo badan waxayna ahayd 08 okt 2004 waana maalintii uu gacantiisa iigu xiray s.balatar biladda 100 guurada ah ee fifa.

C.swedan.. Sideed u aragtaa tartanka ciyaaraha gobolada ee haatan soconaya, waxaa jira eedeyn ay soo jeedinayaa dadka qaar oo ku eedeynaya guddoomiyaha & xoghayaha guud Siciid Mugaanbe & C/qani Siciid Carab in sidii ay iyaga la aheyn un wax u maamuleen oo aaney cidna la tashi la sameyn

Salaad Gaab. waan maqlaa in dadka qaarkood ay ka soo baxayaan eedaymo kuwa wax eedaynayna waa kuwo leh dan gaara waana loo baahan yahay in la helo dad wax eedaynaayo maxaa yeelay qofka shaqada wada ayaa ogaanaayo waxa lagu eedaynaayo in ay sax yihiin iyo inkale shaqada ay wadaana waxay u tahay sixitaan shaqada ay manta qabteena gudimiyaha iyo xog hayaha waa howl in badan uu xirirku ku taamayey wax kastana marka hoos laga soo bilaabayo waa ay dhib badan yihiin, laakiin waxaa leeyahay waa bilow fiican oo aad loogu baahan yahay in tartamadii & ciyaarihii la gaarsiiyo gobolada dalka yaanan horay laga eedeyn ee ha loo kaadiyo, wixii ay qaldeena waa in miiska inta lala soo fadhiisto lala saxaa, howshaana maahan mid ay qabanayaan gudomiyaha iyo xog hayaha ee waxay ahayd howl ay isla go aamiyeen x.s.k/cagta loona gudbiyey fifa ,caf iyo cecafa anigana waxaan ahaa ninka u qaabilsan xiriirka dhinaca tartamada ee uu qabanaayo xiriirka haddii ay eedi jirtana waxaa iska leh xiriirka oo dhan haddii wanaag jirana waxaa iska leh xiriirkahaddii wax la baqto waa eed haddii aan wax laqabna waa eed labada eedna waxaana qaadanay eed ah in xiriirka lagu eedeeyo shaqadiisa inta uu xilka hayo.

C.swedan.. Dad badan ayaa waxey aaminsan yihiin in Isboortigii Soomaaliya gaara ahaan Xiriirada kala duwan, sida Xiriirka Kubadda Koleyga & hogaanka GOS in ay (manoply) ku haystaan shaqsiyaad muddo soo shaqeynayey sida Wiish, Abkoow, Xaaji Cabdi, ayna tahay in waqtigaan ay fagaarayaasha isboortiga in ay u baneeyaan dhalinyarada fikirkaas sideed u aragtaa.

Salaad. kkkk Odayaasha lagama maarmo talooyinkooda & waaya-aragnimadooda waa in laga faaideystaa, laakiin taas macnaheedu ma ahan in ay xaq u leeyihiin in ay isboortiga maamulaan weligood, ciddii quud-dareyneysa in ay hogaan ka noqon Xiriirada kala duwan ee GOS waa iman kartaa, waa isi soo sharixi kartaa qof kastana waxaa lagu qiimeynayaa waxqabadkeeda, teeda kale, waa loo baahan yahay da'yar wax badan ku soo kordhiso Isboortiga Soomaaliya, dhalinyarada ku nool dibadda oo aqoonta u leh sportiga waa u furan yihiin albaabada sportiga inta aan xasuustana waxaa ka soo dhex baxay faarax duraan oo muujiyey karti iyo daal,waxaa jira ragga badan oo dibadda ku nool oo wax badan ka qaban kara sportiga sida cabdi cadde,ibraahim galbayte,saga ruushka,saacid geedi,xassan geela,c/maan cadday,muqtaar cuti,muruudi,yusuf shaqaaq, zekeriye,daahir gacamay,majabe,shaash,iyo ragga badan oo aanan inta ku soo koobi karin oo ahaan jiray cayaartooy hore intooda fiican ha u soo jeestaan sidii ay sportiga ay yaqanaan uga shaqayn lahaayeen.

C.swedan.. Dadka qaar baa waxey sheegeen in aad Muqdisho isaga soo carartay markii ay kuu hanjabeen garab ka mid ah garabyada dagaalamaya arrintaas ma jirtaa.?

Salaad. Horta aniga 17-kii sano ee u danbeeyey ayaan howlaha isboortiga ku soo jiray, marxaladii uu xilligaasi wadanka ku sugnaana cid kasta waa ka dheregsaneyd, Muqdisho oo aan dhaqdhaqaaqa Isboortiga ka wadnay ma aheyn meel ay dowladi ka jirto, waxaan soo shaqeynay xilli aad u adag oo aysan nafta biniįadamku waxba aheyn oo qofkii la dila aan waxba la iska weydiineyn, marka haddii horta la cabsoonayo waqtigaa baa la cabsan lahaa anigana,waxaan soo maray dadal badan oo aan horay u tagay oo aan shirar uga soo qayb galay kuwaas ayaan joogi lahaa haddii aan yurub rabo balse waxaan inta u joogaa waa arimo iigaara.
C.swedan.. maxaad u soo jeedin laheyd bahda sportiga ee qoraalkaaga aqrisanaysa?

salaad. marka ugu horaysa qof walba oo la jecel yahay waa uu dhimaanaa ee hala xasuusnaado ilaahay faaraxna zindikana ilaahay ha u naxariisto sidoo kalana allaha u naxariisto baaba nuur xuseen ( juur jeenyo ) cayaartoyda aan kor ku soo sheegay iyo mas uuliyiintaba waxaan si naxariis leh aan uga codsanaa in ay xasuustaan ragga ku dhibaaaysan gudaha dalka waxaa jira wax aan adinka waxba idinka dhibayn walaalkiina wax u tari kara cayaaraha aad abaabulaysaan halagu daro in aad xasuusataan saaxiibadiinii hore fiiri qoloocow yaman ayuu ku dhibaataysan yahay,jaylaani khaliif afgoye ayuu ku dhibaataysan yahay,shiikha madbacadda sidoo kale iyo cayaarto kale oo badan beri waxaanlee nahay qofkii dhinta allaha u naxariisto iyo koobka marxuum hebal waa ok lakiin halagu daro inta uu nool yahay in aad wax tartaan fanaaniinta waxaa ka badan cayaartooyda sida ay isku xasuustaan ka badan waa in aad isku xasuusataan waxaad maanta baxsataan beri ayaad helaysaan abaal marinteeda ee walaalihiin wax u qabta.

emailka saladshort@hotmail.com

saladshort@yahoo.com
telka 0061431614273


C/laahi Xasan Baliil.

Baliilkhan10@Hotmail.Com

Xafiiska Warqabadka CayaarahaSwedan.Com

Muqdisho=Somalia