Garsoore Soomaaliyeed oo ku guulaystay shahaadada caalamiga ah ee FIBA(Federation International Basketball)

 

                                         

Muddadii u dhaxaysay June 2-6/2009 , magaalada Maputo ee caasimadda dalka Mozambique waxaa ka dhacay seminaar caalami ah  kaasi  oo lagu dalacsiinayay garsoorayaasha K/kolayga ee dunida , waxaana  kaalinta 1aad  ku soo baxay  Garsoore Saleeban Maxamed Cali oo matalayay magaca Soomaaliya isaga oo  ku guulaystay shahaadada garsooranimada heerka caalamiga ah ee kubadda koleyga(FIBA).

                                                      

Garsoore Saleeban ayaa muddadii uu koorasku socday waxaa uu ii sheegay inuu maray 2 imtixaan oo kala ahaa mid afka ah iyo mid baraatiko ah (Theory & practice)halkaasi  oo uu labadii imtixaanba si fiican ugu gudbay.

Madaxda guddiga Olimbikada Soomaaliyeed,guddoomiyaha XSKK, Xoghayaha XSKK iyo Bahda K/koleyga dhammaantoodaba  waxaa ay ugu hambalyeynayaan garsoore Saleeban  guushaasi uu u soo hooyay ummadda Soomaaliyeed, waxaana ay ka rajaynayaan   inuu aqoontiisa uga faa’idayn doono ummadda Soomaaliyeed,gaar ahaan dhallinta ku hawlan garsoorka Kubadda koleyga.

Bal  aan  in yar xuso taariikh nololeedkiisa isboortiga

                   

Saleeban Maxamed Cali wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho, waxbarashadiisa hoose/dhexe  waxaa uu ku qaatey degmada Cabdicasis, gaar ahaan dugsigii lagu magacaabi jirey Qasabka, waxbarashadiisii dugsiga sarena waxaa uu kaga baxay dugsigii caanka ahaa ee Sakhaawudiin, Shibis.

Saleeban yaraantiisii  wuxuu aad u xiiseyn jirey ciyaaraha guud ahaan gaar ahaana kubada Miiska iyo K/ koleyga. 1985 ayuu ka qaybgalay ciyaarihii gobolada isagoo u ciyaarey gobolka Banaadir ciyaarta kubada miiska, kadibna waxaa uu  ku biirey ciyaaryahannadii heerka 1aad  naadiga  wakaaladda ganacsiga Ummadda (ENG),hase yeeshee kuma uusan raagin.

1986 ayuu ka qayb galay ciyaarihii  kubadda koleyga degmooyinka gobolka Banaadir oo uu u saftay degmada Cabdulcasiis,halkaasi oo looga qaatay ciyaaryahannadii kubadda koleyga ee naadigii Somalita heerka 2aad.

1998 Ka hor dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ayuu Saleeban u soo baxay dibada, kadibna uu gaarey dalka Sweden halkaas  oo uu ka sii waday ciyaartii kubada koleyga isagoo ku biirey kooxaha heerka koowad ee magaalada Stockholm, isla markaana noqdey garsoore ka mid ah garsoorayaasha k/koleyga dalka Sweden, waxaana uu ka gaarey heerka ugu sareeya, kadibna waxaa uu tababare u  noqdey kooxda la yiraa Akropol oo cayaartoydu badankood ka yimaadeen dalka Giriiga, balse ku nool dalka Sweden.

Garsoore Saleeban wuxuu ahaa ilaa muddo macalin iskuul, kana dhiga maadada isboortiga (PE) isagoo sii watey waxbarashadiisa ilaa heer jaamacadeed, haatana ku guda jira baaritaan ku saabsan ubadka Soomaaliyeed marka la eego hab dhaqaaqooda iyo caafimaadkoodaba dhanka ciyaaraha.

2008 Garsoore Saleeban wuxuu qaatey shahaadada tababaranimo ee heerka lagu magacaabo ELITE LABEL, taasoo u suura galineysa tababaraha heysto inuu leylin karo kooxaha heerka koowaad ee Swiidhan (proffs label). Mudada qalin jabinteedu ahayd bishii March horaanteedii ee sanadkan.

June 2009 ayaa Saleeban Maxmed Cali loo aqoonsaday garsoore caalami ee K/koleyga, isaga oo ku guulaystay shahaadada ugu sarreysa heerka garsooranimada ee K/Koleyga, kaasoo imtixaankiisu ay ka qayb galeen garsoorayaal fara badan oo ka socday adduunka,isaga oo ku gudbay darajada ugu sarreysa sida ku cad shahaadadii xiriirka Soomaaliyeed ee k/koleyga uu ka helay Hay’adda FIBA.

Saleeban haatan  wuxuu gacanta ku hayaa ubad Soomaaliyeed oo ay da´doodu u dhaxeyso 5 – 20 jir, kuwaasoo ka qeyb qaata barashada kubada koleyga, waxayna ka ciyaaraan heerar kala duwan ee tartamada swiidhishka laga ciyaaro, waxaana uu ka tirsan yahay  ururka lagu magacaabo Shanta Sports Club, kana dhisan magaalada Stockholm gaar ahaan xaafada ay Soomaalidu ku badan tahay ee lagu magacaabo Rinkeby. Ururkaas oo la aasaasay sanadkii 1998, kaasi oo ay asaaskiisii ay ka qayb qaateen rag ay ka mid yihiin Abdirishiid Doobka, Abdikariim Idle iyo Saleeban qudhiisa.

Garsoore Saleeban haatan waa  xaas, leh 3 caruur ah, 2 wiil iyo 1 gabar Allaha u dhaafo e,waxaana uu ku nool yahay magaalada Stockholm(Sweden).

Ugu dambayntii garsoore Saleebaan waxaa uu u mahadcelinayaa Allahii suuragaliyay darajadaasi inuu gaaro, ka dibna dhammaanba madaxda XSKK, gaar ahaan Xoghayaha XSKK Eng,Bana Cabdalla  Ali oo suuragaliyay in magacii dalka Soomaaliya wali uu ka dhex muuqdo fagaarayaasha caalamka.

Xoghayaha XSKK Mudane,Eng Bana oo aan qadka talefoonka kula xiriiray isaga oo jooga London ayaa ii sheegay in garsoore Saleeban uu muujiyay karti iyo dadaal aad u faro badan oo uu kaga soo dhex baxay garsoorayaashii  seminaarka isugu tagay oo ka kala socday adduunweynaha, isaga oo waliba ku ammaanay inuu ahaa shaqsi kharashaadka safarka iskiis isaga bixiyay.

                                                        Diyaariye:Shiikha