|
Tartan Kubadda Kolayga ah oo xalay ka bilowday Magaalada Stockholm.





Kaddib waxaa munaasabaddii furitaanka ka hadlay Xaawo Shiikh Axmed (Xaawo Taako), Shiine Guhaad, C/qani Jeenyo, Guddoomiyaha SEUKI Xiirey Axmed Rooble, Astur, Isoo Mareey oo ah Rug-caddaa Isboorti, Maxamed Macallin Iimaan oo Somali Week ka socday iyo mas’uuliyiin kale, kuwaasi oo hadalkooda uu isugu jiray mahadcelin iyo in ay ku faraxsan yihiin ka soo qeybgalka ciyaaraha Kubadda Kolayga ee Stockholm ka bilowday.
Kooxda West London ee ka timid Dalka Ingiriiska ayaa waxaa hoggaaminaya Qoys Isboorti oo ah Dr. Cusmaan Shiis iyo Xaaskiisa Xaawo Shiikh Axmed (Xaawo Taako), iyadoo ay xusid mudan tahay in ay kooxda laf-dhabar u yihiin labo wiil oo ay Cusmaan iyo Xaawo dhaleen. Dr. Cusmaan wuxuu soo ahaa Laacib Qaran, Kooxdii Horseed iyo Macallin, halka Xaawo Taako ay soo ahayd Laacib Qaran iyo Kooxdii Jeenyo.
Sida uu HOL u sheegay Xoghayaha Ururka SKIF ee ciyaarahan qabanaya Mr. Maxamed Axmed Caraay (Xamdi), waxaa ciyaarahan ka qeybgelaya ilaa 5 kooxood oo kala ah: South Stockholm, West London, Stockholm, Acton Vale iyo Gavle, inkastoo uu xusay in ay jiri doonaan ciyaaro dhexmari doona Odayaashii cuslaaday ee ciyaaraha Kubadda Kolayga. Tartankan ayaa socon doona haddii Alle idmo 17-ka ilaa 20-ka bishan.
Haddaba Ciyaartii furitaanka ahayd oo dhexmartay Kooxaha West London iyo Stockholm ayaa waxay waqtigii loogu talagalay ku soo dhamaatay oo ay ku adkaatay Kooxda West London.
Diyaariye Maxamed Mukhtaar Sheikh |