Kabtan  Supper Shaash  ‘’Kooxda Horseed inay  Kooxda Jeenyo ( LLPP) ka waraabiso xareeda koobka Nabada iyo soo noolaynta kooxihii hore waan ku faraxsan nahay’’.

                                              

London 16.10.2009. Waxaa galabta garoonka dugsiga Booliska si rasmi ah looga furey koob loogu magacdarey soo noolaynta kooxihii hore iyo Nabada oo ayna ka soo qayb galeen madax sar sare oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya sida Raisal wasaare ku xigeenka Dowlada mudane Prof C/raxmaan Xaaji Aden ‘’Ibbi’’, Wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada Mudane Saleebaan Colaad Rooble , Wasiirka dib u heshiisiinta mudane C/rashiid Deerow iyo ku xigeenka duqa magaalada Muqdisho mudane Shaaweey yare iyo madax kale oo ka tirsan dowlada hoose Muqdisho iyo ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

        

Iyadoo goob joog ka ahaayeen ciyaartooydii hore dalka Soomaaliya ayaa waxaa ciyaartii ugu horeysay lagu furey labada kooxood ee dalka Soomaaliya ugu taageerayaasha badan  islamarkaana taariikhda Sport ee dalka Soomaaliya kaalimaha hore uga jiri jirey barisamaadkii balse ku darsaday magac

Kooxaha Horseed ( cawo iyo maalin) iyo Jeenyo ( LLPP) ayaa galabta ciyaar aad u xiisa badnayd isaga hor yimid garoonka dugsiga Booliska  oo ku yaal duleedka magaalada Muqdisho islamarkaana soo bandhigay ciyaar  aad u xiisa badnayd oo dadwaynihii u soo daawasho tagay ay aad u la maqsuudeen kadib markii 20 sanadood ay ka maqnaayeen fagaarayaasha garoomada Kubadda cagta dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

           

Labada kooxood ayaa ku labisnaa maaliyado aad u soo jiidanayay dadka u soo dawasho tagay iyadoo ay ku qornaayeen magacyada kooxaha sida LLPP & Horseed islamarkaana waxaa xusid mudan in labada kooxood ay kale taageerayeen ciyaaryahano ka tirsanaan jirey labada kooxood iyo xulkii Qaranka Soomaaliya sida ciyaaryahan hore Siciid Qorsheel oo u dheeli jirey kooxda Jeenyo LLPP kubadda kolayga halka  Ciyaaryahan Shaarkey isna u taageerayay kooxda Horseed .

Ciyaaryahan Shaarkay ayaa markii ugu horeysay mudo ku dhaw labaatan sano  ka soo dhaxmuuqday garoomada laakinse  maanta ka soo xaadirey garoonka si u dhiirigaliyo kooxda Horseed iyo macalinkooda Cabdi Kuus.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatey in kooxda Jeenyo LLPP  ee wasaarada Howlaha Guud dhabarka loo saaro 4 Goal  halka kooxda Horseed shabaqood laga dhaliyo hal Goal, tasoo guushii ku raacday kooxda Horseed oo hoos tagta Wasaarada Gashaandhiga.

Kabtankii Xulka Qaranka, Kabtankii kooxda Horseed, kabtan ciidanka xooga dalka Soomaaliya ciyaaryahan hore Ibraahim Ali  oo ku magac dheer Kabtan Shaah  ama ( The man of  3 Captain Shaash) oo ku hada ku nool dalka Jarmalka isaga Qoyskiisa ayaa qadka telefoonka caawa ku wada hadalnay islamarkaana waxa uu isheegay inuu aad ugu faraxsan yahay caawa in kooxda Horseed guusha galabta  iyo ka badinta maanta kooxda Jeenyo ay soo xasuusinayso ciyaar labada kooxood ku dhaxmartey garoonka Conis  sanadku markuu ahaa horyaalkii 1978/1979 oo ay  Kooxda JEENYO 4 goal ay kaga badiyeen islamarkaana joornaalka xidigta Oktobar cadad ku soo baxay faalada ciyaaraha in cinwaan looga dhigay  ‘’Kooxda Horseed oo Jeenyo ka waraabisay xareeda’’, madaama galabtaas roob fiican oo ka da’aayay magaalada Muqdisho.

Run ahaantii maanta waa maalin weyn waxayna isoo xasuusinaysaa barisamaadkii iyo cayaraaha Soomaaliya xili aad u wanaagsanaa oo aanan filaynin inuu mar dambe isoo maraayo, maanta dib ayaa saacada iyo waqtiga lagu jiro dib uga celiyay islamarkaana aan soo xasuustey kooxdii Horseed  ciyaaryahanadii, macalimiintii iyo maamulkii kooxda Horseed iyo ciyaaryahandii kale  ee aan tartamada isla dheeli jirnay islamar ahaantaana aan xulka Qaranka ka wada tirsanayn ayuu yiri ciyaaryahan Shaash oo ay hadaladiisa ka muuqatey farxad iyo  rajo cusub kadib markii uu maanta maqlay in kooxda Horseed dib loo unkay islamar kaana Jeenyo caga wayne beerka ka xashirisay.

Docda kale ciyaaryahankii xulka Qaranka iyo kooxda Jeenyo Siciid Qorsheel ayaa isna ku faraxsan dib u soo noolaynta kooxihii hore islamarkaana caawa aanan si fican u hurdaynin madaama kooxda Jeenyo  xareeda laga waraabiyay sida u sheegay Kabtan Shaash.

Kabtan Shaash ayaa hambalyo u diraya wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada Soomaaliya mudane Saleebaan Colaad Rooble oo juhdi badan ku bixiyay  sidii dib boorka looga jafi lahaa kooxihii hore ee dalka Soomaaliya islamarkaana hambalyo u diraya kooxda Horseed iyo dhamaan kooxaha kale .

Dhanka kale waxaa iyana nala soo xiriirey oo hambalyo u diraya kooxda Horseed iyo wasaarada isboortiga  iyo dhamaan kooxaha dib boorka looga jafay ciyaaryahanada kale ah Mohamed Ismaa’il iyo Siciid Ceyrow oo labadaba ka tirsanaan jirey kooxda Horseed iyo xulka Qaranka dalka Soomaaliya islamarkaana taariikh wanaagsan iyo magac weyn ku leh Isboortiga dalkeena.

Labada ciyaaryahan hore ayaa hada ku nool magaalada London, waxayna iisheegeen inay ku faraxsan yihiin inay Jeenyo cagawayne ay  labaatan sano kadib darsi u dhigaan waxayna kooxda Horseed u rajayeen guul iyo mustaqbal wanaagsan.

Bahda Sports qurba joogta ayaa soo dhawaysay furitaanka tartanka Nabada iyo soo noolaynta kooxihii hore waxaana arkaysaa in ilaa caawa dhan looga sheekaysanayay magaalada London ciyaaraha ka furmay magaalada Muqdisho iyadoo loo kale baxay kooxihii hore islamarkaana koox walbaba ay taageerayso kooxda.

Dhamaan dadka Soomaaliyeed ayaa rumaysan in looga bixi karo dagaalada iyo is afgaran waaga dalkeena in dhalinyarada dalka joogto lagu mashquuliyo Isboortiga noocyadiisa kale duwan.

Berito waxaa tartanka isaga hor imaan doono kooxaha kale ah Kooxda Heegan oo ka socoto ciidanka Booliska iyo kooxda Betroolka oo ka socota Wasaraada Betroolka iyo Tamarta.

Ciyaartan oo ah ciyaar aad u adag  waxaa kale socon doontaan qoraaladeena soo socda hadii Allah idmo.

Maanta waa malin taariikh ah oo mudan in aan dib u xasuusano kooxihii dalkeena ka jiri jirey oo dib boorka looga jafay

W/D:YUSUF YUSUF

Editor of SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com