Gudoomiyihii Hore ee gudiga Olompikada Soomaaliyeed Md Faarax Wehliye Caddow (sendiko) oo sheegay inuu markale laga dhex arki doono Maamuladii uu horay u hayn jiray



Faarax Wehliye Caddow (Sindiko) oo u horey u hayey Jagooyin aad u tiri badan oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiye Ku-xigeen Xiriirka Kubadda Cagta ee Qaaradda Africa (CAF),Gudiga Olompikada Soomaaliya (GOS), Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya (SFF),

Xiriirka Kubadda Cagta ee Bariga iyoBartaha Africa (SECAFA) ayaa shaaca ka qaadey inuu mar kale diyaar u yahay buuxinta jagooyinkaas,ka dib markii af Fifa ka qaadey xayiraadii ay horey ugu soo rogtey Sanadkii 2004-kii.

Md Sindiko oo wareysi siiyey Telefishinka Universal isagoo ku sugan Magaaldda Qaahira oo ay ku taalo Xarunta Xiriirka Kubadda Cagta ee Qaaradda Africa (CAF) ayaa muujiyey sida u diyaarka ugu yahay inuu markale ku soo fariisto Jagooyinkaas oo uu hadda qaarkoodba uu sii biixiyey,gaar ahaan hawlihii uu ka hayey (CAF) oo uu sii anba qaadey.

Ganaaxii Faarax Sindiko ayaa waxaa uu keeney in uu Sportiga Soomaaliya ay la soo gudboonaadaan dhibaatooyin isugu jira Maamulka,dhaqaalo iyo iyadoo Beesha Caalamku ay sii jeesatey Qaybaha kala duwan ee Ciyaaraha Soomaaliya waxaana jira isqabqabsi u dhexeeya Ma’uuliyiinta

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo manta ay jiraan Laba Gudoomiye oo kala ha Muxyadiin Xasan Cali (Darba weyne) iyuo Siciid Maxamed Nuur (Siciid Mugaanbo) inkasto ay Fifa iyo Caf ay hadda Maamul ahaan aqoosan yihiin Siciid Maxamed Nuur (Siciid Mugaanbo).

Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar sheikh