Kooxaha Finland fc somali iyo Benadir oo u soo gudbay ciyaarihii semi finalka ciyaarihii maanta la ciyaaray

 

Waxaa galabta la ciyaaray ciyaarihii quarter finalkii iyadoo ay ciyaartii hore wada ciyaareen wadamada Finland iyo Holand. ciyaartaas oo aad u xiiso badneyd dad wayne aad u fara badana ay ka soo qayb galeen, ciyaartaas oo ahayd ciyaar aad u xiisa badan labada dhinacna ay muujiyeen ciyaar wanaagsan ciyaartaasna waxay ku dhamaatay kooxdii wadanka Finland oo guushii halkaa ku raacday 1-0 iyadoo goolka qura ay ku badisay kooxdii ka socotay dalka finland uu u dhaliyey Asad mooge oo sitay lambarka 8aad.

Ciyaartii labaad oo aad u xiisa badneyd dad weynahana sugayeen sababtoo ah labadan koox oo ah lokalka magaalada stockholm waa Benadir iyo jeenyo ciyaartaas oo aad u xiisa badneyd aad u daganeyd dad weynahana aad uga helay kooxda jeenyo oo ciyaar aad u wanaagsan la timid isku dhiib dhiibkeedana aad u wanaagsanaa, kooxdii benaadirna kama aysan liidan laakiin ciyaartaas gaba gabadeeda waxay ku soo dhamaatay iyadoo ay guushii raacday kooxdii ku cayaareysay Benaadir 3-2

Ciyaaraha semi finalka waxaa isugu soo haray Finland iyo Nabada UK, Benadir iyo Götenborg Waxaana la ciyaarayaa 31.07.2008 waa maalinta ´khamiista. Ciyaarahaasi daawashadooda waxaa ka soo qayb-galay orodyahankii caanka ahaa ee Soomaaliyeed billadaha faraha badan u soo hooyay Jaamac Maxamed Karaaciin.

Finlan fc-somali Vs Holand 1-0
Benadir Vs Jeenyo Sweden 3-2

 

 

                     Kooxda Banaadir                                                       Kooxda Finland

 

 

    Kooxda Horseed                                                   Qaar ka tirsan Guddiga Cayaaraha

 

  Yoonis & Fannaan  C/risaaq  Alteeso                           Fannaaniinta

 Y/shaqaaq,Isoo mareey,I,Sudani,J/karaaciin,M.M                 

 Aadan, Shiikha iyo Jaamac Karaaciin                      Shiikha,Jaamac Karaaciin & Sayga Ruushka

 

 

 

   Fanaanadii Raxmo Ruuxi                                                      Kooxda Jeenyo

                                                                                    Qaar ka tirsan taageerayaashii cayaaraha

 

                                                                                         Xaaji,Sayga Ruushka iyo  Boos Caato

 

 

                          Boos Caato

 

 

Waxaa diyaariyay: Maxamed Mukhtaar sheikh