VIENNA (AFP) – xulka Spain ayaa xulka Italy 4-2 rigoorayaal ah ku garaacay xalay markii ay iskaga hor yimaadeen quaterfinalah tartankaan iaygoo sidaa ugu soo baxay Euro 2008 semi-finals ,waxeyna spain guushaani u tahay taariikh weyn o ah iyadoo markii ugu horeysay soo gaartay heerka semifinalah tartan weyn oo sidaan oo kale mudo haatan laga joogo 24 sano.
Spain goalkeeper Iker Casillas oo xidigii ciyaarta xalay noqday ayaa laadadkii rigoorooyinka ahaa ee Italy ka kala qabtay Daniele De Rossi iyo Antonio Di Natale ka hore intii uusan xidiga khadka dhexe ee Arsenal Cesc Fabregas uusan spian u dhalin goalkii guusha ay ay ugu dabaal dageen markii ciyaarta ay ku dhamaatay xiligii looga tala galay iyo kii lagu daraba 0-0.
Waa markii ugu horeysay ee taariikhda Spain ay soo gaarto last four tan iyo markii ay timid Finalihii European Championship sanadii 1984 – markaasina waxaa koobka ka qadatay France –
Waxyaabaha taariikhda ku leh spain waxey tahay iyadoo xalay soo gaaratay Semifinalah koobkaan markii 3-mar lagu reebay heerka quarter-final oo waliba rigoorooyin looga adkaaday, dhamaan 3-daasi kulan eek ii xalay ka horeysay taariikhda ay ciyaartay waxey hayed taariikhdii xalay ay ciyaartay ee June 22.
Spain waxey haatan isku diyaarineysaa sidii ay ugu hortagi laheyd xulka Russia maalinta Thursday's semi-final oo ay ku ciyaari doonto garoonkii xalay ee Viena.
Xulka loo yaqaan Iberians waligii kaagama adkaan Italy midkuu doono ha ahaadee tartamada World Cup or European Championships marka laga reebo tartanka Olympic Games.
Spain waxey xalay noqtay xulka kaliyaha ee group kiisa kaga soo baxay kaalinta 1-aad ee u soo baxay semifinals tartanka markii xulka World Cup champion heysta ee Italy ay 4-2 rigoorayaal ah kaga adkaadeen.
Spaniards, oo soo wada adkaaday dhamaan kualamdii ay ciyaarta Group D, ayaa waxaa sugeysa Russia on Thursday in Vienna.
Kulanka kale ee semifinals waxey ahaan doonaan midka Germany iyo Turkey ay ku wada ciyaari doonaan Basel, Switzerland maalinta Wednesday.
Buffon oo laad rigoore ah ka qabtay Daniel Guiza ayaa waxaa ka galgaliyay David Villa, Santi Cazorla iyo Senna oo uu ka qaban waayay ladadkoodii waxaase si fiican ciida u cunsiiyay Fabregas guusha ka fara maroojiyay.
HISTORY
Taariikhda koobkaan kama dhicin in koobka Euro championship uu ku guuleysto xul ciyaarihiisa si lala wada yaabo ku wada badiyay ama si sare ku wada bilaabay ciyarihiisa tan iyo markii France koobkaan qaaday 1984 markaasoo france si aad u sareysa inta ciyaaraheeda ay ku bilowda hadana ay ku dhameystay.
Hada fursadaasi waxaa heysta Spain oo dhamaan kulamadii ay ciyaartay si sare ku soo bandhigtay.
Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar