Xiddigtii qaranka  K/koleyga Soomaaliyeed iyo naadigii Horseed oo lagu soo dhaweeyay London

Sucaad Cabdullahi Maxamed oo ka mid ahayd xiddigihii Kubadda koleyga qaranka Soomaaliyeed  iyo naadigii Horseed ayaa qado sharaf lagu soo dhaweynayay  lagu qabtay restaurantiga weyn ee ku yaalla Harlesden West London, kaasi oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin iyo  qaar ka tirsanaa cayaaryahannadii  k/koleyga  iyo cagta Soomaaliyeed.

Qado sharaftaasi  oo ay isku soo agaasimeen bahda horumarinta isboortiga London iyo dhallinta u kacday  taageeridda  dhallinta yaryar ee New Generation  ayaa waxaa hor kacayay oo isku soo abaabulay  la taliyaha guddoomiyaha XSKK  Dr. Osman Hussein  Xaaji ‘Shiis” iyo marwadiisa xiddigtii qaranka  Soomaaliyeed  iyo naadiga  Jeenyo Xaawo Sheikh Axmed “ Xaawo Taako” iyo guddoomiyaha ururka New generation ee London Cabdiqani C/llahi Hillowle “Cabdiqani Jeenyo”  iyo xaaskiisa Faiza Shariif.

Qado sharaftaasi ayaa waxaa ka soo qayb galay msuuliyiin, macallimiin  iyo cayaartooy magac aad u weyn ku lahaa K/koleyga  iyo cagta Soomaaliyeed oo aan ka xusi karno: Xoghayaha XSKK Eng, Bana Cabdalla Cali ,Guddoomiyaha  isboortiga iyo dhaqanka ee London  ahna guddoomiyaha Diaspora  Mudane  Maxamed Macallin, C/llahi Xaaji Ereg ”Xaaji” oo ka mid ah tababarayaasha xulka qaranka wiilasha k/koleyga Soomaaliyeed , Cabdirisaaq Direey, Bashiir Macallin,Mustaf Gabdhoow oo ka wada tirsanaa ciyaaryahannadii K/koleyga ee naadiyadii Horseed,Madbacadda iyo Muqdisho, Bile Madbaco  oo ka tirsanaa ciyaaryahannadii qaranka K/Cagta iyo naadigii Madbacadda  iyo Saciido Dheerey oo ka tirsanayd ciyaaryahannadii  gabdhaha ee naadigii Jeenyo.

Qadadii ka dib ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Dr, Osman  Shiis oo ka mid ahaa macallimiintii gacanta ku soo qabatay halyeeyaddaasi ka tirsanayd naadiga Horseed  iyo qarankaba , Waxaana  ugu horreyntii  isagu uu Sucaad ku soo dhaweeyay London, dabadeedna waxaa uu  dib u xusuusiyay dadkii halkaasi joogay taariikhdii isboortiga ee Sucaad ay ku lahayd k/Koleyga Soomaaliyeed iyo guulihii ay gaareen muddadii uu tababaraha u ahaa kooxda Horseed, kuna guulaysteen koobkii Jeneraal daa’uud  ee K/koleyga sannadkii 1983 kii.

Dr,Shiis waxaa uu ku tilmaamay Sucaad inay ka mid ahayd gabdhihii ugu wanaagsanaa  xagga farsamada ee soo mara K/Koleyga Soomaaliyeed ,waxaana uu ku sifeeyay inay ahayd  ciyaartooy aad u firfircoon, dadaal badan oo hoggamiye wanaagsan ah “leader”

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay dad badan oo giddigoodaba si diiran ugu soo dhaweeyay Sucaad magaalada London.

Sucaad C

/llahi Maxamed  oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa si aad ah ugu mahadcelisay dadkii isu soo abaabulay qadadaasi iyo intii ka soo qaybgashay, waxaana ay ammaan u  soo jeedisay ururka  NEW Generation  ee London iyo inta ku hawlan horumarinta  isboortiga  Soomaaliyeed gaar ahaan K/Koleyga  oo  aan ehelkeeda ahay. Waxaana  aad u ayidsanahay una taageerayaa dhaqdhaqaaqyada ay wadaan dadka ku hawlan horumarinta k/Koleyga oo New Generation uu ka mid yahay . Sidoo kale waxaa iyaduna ay aad u ammaantay Xaawo Taako iyo C/qani Jeenyo oo iyagu  ay ku tilmaantay  dad  ku dayasho mudan  oo  dadaal aan hagrasho lahayn u  haya caruurta Soomaaliyeed, waqtigooda qaaliga ahna u hura inay caawiyaan caruurta Soomaaliyeed.

Qada sharaftaasi ka dib ayaa Sucaad iyo intii la socotay waxay ka qayb galeen oo soo booqdeen goob tababar K/koleyga  uu uga socday dhallinyarada New Generation, iyo dhallinyaro  tababar la siinayo, iyada oo si aad ah ula dhacday  tababarka ay dhallinyaradaasi halkaasi ku qaadanayeen, aadna ugu faraxday, waxaana iyada iyo xaawo Taako ay dhallinyarada kala qayb galeen tababarkaasi oo ay la ciyaareen.

 

Waxaa isaguna  halkaasi ku soo booqday  sucaad, macallinkeedii  hore ee qaranka gabdhaha  K/koleyga C/raxmaan Shiino Guhaad.

Sucaad ayaa iyadu halkaasi ku guddoonsiisay dhallinyarada New Generation kubaddo lagu cayaaro K/Koleyga iyo Shabaqyo, waxaana ay ballan qaaday in qalab isboorti oo K/Koleyga ah ay u soo diri doonto haddii Alle Idmo.

 

  Diyaariyay: C/qani Jeenyo

    London