Innaa-lillahi Wa inaa ilayhi Raajicuun

-TACSI-

 

Bahda isboortiga ee gobolka Minnesota waxaa ay tacsi u dirayaan  tababaraha xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga C/qaadir Xaaji Daahir (Shiikha) oo walaashiis marxuumad Faaduma Xaaji  Daahir  ay subaxnimadii saaka  oo  ay taariikhdu ahayd 06/10/2009, saacadduna ahayd 9:00 AM  ku geeriyootay dalkaasi Ethiopia.

 

Sidoo kale waxaa ay  tacsi taasi la mid ah u  dirayaan caruurteeda oo kala ah: Xaawo Tooxoow Jimcaale iyo caruurteeda , Canab Maxamed Ibraahim iyo caruurteeda  iyo Maryan Maxamed Ibraahim iyo caruurteeda  kuwaasi oo kala jooga Europe iyo Ethiopia.

 

 Waxaa iyaguna tacsidaasi loo dirayaa marxuumadda walaalaheeda oo kala ah: Yuusuf Xaaji Daahir, Khadiijo Xaaji Daahir, Xaawo Xaaji Daahir, Aamino Xaaji Daahir iyo Sahro Xaaji Daahir.

 

Waxaan Allaha awoodda badan uga baryaynaa in marxuumadda Jannadii fardawsa ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, qaraabadii iyo saaxiibadii ay baxdayna samir iyo iimaan naga wada siiyo.

waxaa kaloo tacsidaas dirayo bahda ispoortiga sweden oo isku duuban dhamaantood iyo qorayaasha wabsedka Cayaaraha swedan ,com waxaan ilaah uga baryaynaa janadii in ilaah ka waraabiyo AAmmiiin.

 

 

 

                                         AAMIIN   AAMIIN   AAMIIN