| Kabtanka Jarmalka Michael Ballack ayaa qarankiisa u horseeday iney soo gaaraan wareega 8da dal markii uu dhaliyey goolkii ay kaga badiyeen xulka wax ka marti gelinaayo tartankan ee Austria oo ahaa boloziyoon aad u qurux badan.
Jarmalka ayaa kulankan kusoo baxay badis iyo bareejo ayaa markii ay ciyaarta bilaabateyba u muuqday iney ka awood badnaayeen qaranka Austria oo xafiiltan adag kala dhexeeyo iyadoo daqiiqadii 5aad ee bilowgii ciyaarta ciyaaryahan Miroslav Klose kubada kala soo dhex baxay daafaca Austria isla markaana baas fiican usoo dhigay saaxiibkiis Gomez oo cunay isaga iyo goosha.
Xulka Jarmalka ayaan cabsi gelin dalalka kale ee ay iska hor imaan doonaan qaabkii ay shalay ula ciyaareen Austria iyadoo halyeygooda weyn Beckenbauer ku qoray wargeyska BILD ee kasoo baxa Jarmalka in xulka Jarmalka aysan u babac dhigi karin qaranka Portugal hadii aysan wax badan ka bedelin qaabkii ay ula ciyaareen Austria.
Laakiin waxaa xusid mudan in qaranka Jarmalka ay caado u tahay in dalalka waa weyn iyo kuwa yaryarba ay isku si ula ciyaaraan isla markaana ay heystaan laacibiin keligood wax ka bedeli kara ciyaarta noqona kara farqiga u dhexeeya labada dal marka ay jilbaha isku dhigaan.
Ballack oo goolkiisa shalay ahaa mid ka mid ah goolashii ugu quruxda badnaa ee tartankan ka dhasha amaba la dhihi karo goolkii ugu quruxda badnaa ee tartankan hada socda dhashay ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii daawanaayey Ra`iisul wasaarada Jarmalka Angela Merkel oo sacab la istaagtay markii uu goolka ka dhashay.
Labada macalin ee Jarmalka iyo Austria Low iyo Hickersberger ayaa terebuunka loo diray markii uu muran xoogan dhex maray iyadoo 50kii daqiiqo ee ciyaarta ugu dambeysey ay labadaba ciyaarta ka daawanayeen Terbuunka, |