.
¡¡
Halkee ku dambeeyeen halyeeyadii Dabaasha
?
Markasta waxay taariikhdu xustaa qof kasta oo ka qayb qaataa horumarka dalkiisa hooyo, gaar ahaan noocyada ciyaareed ee kala duwan. Iyadoo noocyadaasi ciyaareed jiraan ayaa haddana waxaa mar walba ka dhex muuqda ciyaartoy farsamadoodu aad u sarreyso oo caan ku noqday qaab ciyaareedkiisa gudaha iyo dibadda, magac iyo sharafna u soo hooyay Qaranka Soomaaliyeed.
Haddaba maanta waxaan halkan ku soo qaadanaynaa mid ka mid ah halyeeyadii magac ku lahaa Xiriirka Soomaaliyeed ee Dabaasha, taas oo lagu magacaabo Tiriig Saciid Cali oo ku magac dheer "Tiriig Iigoy". Tiriig waxay ku dhalatay degmada Cabdulcasiis sannadku markuu ahaa 1966dii, waxbarashadeeda caadiga ah waxay ka dhigatay Dugsiga Hoose/Dhexe ee Cabdulcasiis, dugsiga sarena waxay ku dhammaysatay Dugsiga Sare ee Sakhaawadiin.
Tiriig waxay ku soo biirtay ciyaaraha dabbaasha 1977kii, iyadoo dhigata dugsiga dhexe waxayna ka qayb gashay tartanno loo qabtay dugsiyada gobolka Banaadir, ka dibna waxaa loo xulay in ay u saftaan ciyaaraha gobollada ee Gobolka Banaadir. Ciyaartoydii loo qaatay Gobolka Banaadir waxay ahaayeen ciyaartoydii ugu wanaagsanaa tartankii la qabtay, waxaana ugu badnaa ciyaartoydii laga qaatay degmada Cabdulcasiis, sababta oo ah degmada waxaa ku yiil wartii lagu dabbaalan jiray, ciyaarahana lagu qaban jiray, taas oo u fududeysay in inta badan laga qaatay degmada Cabdulcasiis.
Tartankii ciyaaraha gobollada waxay Tiriig muujisay ciyaar wanaag aad u soo jiitay dadweynihii u soo daawasho tegay wartii lagu qabanaayay tartanka ee degmada Cabdukcasiis, halkaas oo ay ku lahayd taageerayaal aad u tiro badan, taas oo keentay in si deg deg ah uu ula wareego naadiga heerka koowaad Jeenyo, ka dibna si deg deg ah ugu biirto Xulka Qaranka Soomaaliyeed.
1979kii waxay ka qayb gashay Tiriig tartankii dugsiyada Carabta ee lagu qabtay magaalada Rabaat ee dalka Marooko, waxaana tartankaas kala qayb galay ciyaartoy caan ah oo ay ka mid ahayd Mulki Nuur Muudey oo xilligaas ka mid ahayd ciyaartoydii xulka Qaranka ee dabbaasha. Isla markii laga soo noqday tartankii Marooko, waxaa ciyaartoydii lagu xereeyay Hoteel Stadio Muqdisho, si ay isugu diyaariyaan tartankii Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay magaalada Muqdisho. Tartankaasi waxay Tiriig ka gashay kaalin lama ilaawaan ah, waxaana tababare u ahaa Cusmaan Cosoble "Cusmaan Owfaamo" oo ka mid ahaa tababarayaashii ugu caansanaa dabbaasha, isla markaasna wuxuu ahaa garsoore kubadda kolayga.
Tiriig waxay ka dhex muuqatay garoomada dabbaasha intii u dhexeysay 1977kii ¨C 1984kii, wixii intaa ka dambeeyay waa ka fariisatay ciyaaraha ka dib markii ay noqotay xaas, ka dibna waxay u wareegtay dalka Sacuudiga. Hadda waxay deggan tahay dalka Swedan iyada iyo shan carruur ah oo ay dhashay, mar kastana waxay dhexda kaga jirtaa bahweynta ciyaaraha ee qurbo joogta Soomaaliyeed, iyadoo ka qayb qaadata tartannada laga qabto dalka Swedan gaar ahaan xilliyada xagaaga, waxaana ugu dambeysay soo dhoweyntii wafdiga Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo ay door weyn ka qaadatay soo dhoweyntoodii.