













Cashadii ka dib ayaa halkaasi waxaa laysku dhaafsaday hadalo soo dhaweyn iyo sii dhawayn isugau jira oo ay jeediyeen dadkii halkaasi isugu yimid. Bashiir Jeenyo ayaa ugu horrayntii hadalka furay, isaga oo martidii halkaasi joogtay ku soo dhaweeyay gacmo furan iyo qalbi saafi ah oo ay u hayaan bahda isboortiga ee Sweden, waxaana uu ka warbixiyay bulshada caafimaadka qabta ee isboortiska ee ku nool wadanka Sweden sida ay ugu heelan yihiin mar kastaba inay soo dhaweeyaan martida isboorti ee dibadda uga timaada. Dabadeedna waxaa uu ku soo dhaweeyay Gudoomiyihii Cayaaraha Xagaaga ee heerka 1aad Xamdi Sheikh Axmed oo ka war bixiyay Cashadaas Quruxda badan sababta loo sameeyay oo aheed sagootin iyo soo dhaweyn isku jirta,asagoo ku dheeraaday tartamada soo socda ee K/Kolayga 2009 oo la qabandoono kana soo qeybgalidoonaa Cayaartoy tayo fiican leh oo wadanka anfacayaan kana imanayaan wadamada Mareeykanka iyo wadamada yurub.



Ibraahim Galbeyte ayaa isaguna si wanaagsan u soo dhaweeyay Xidigtii Miski iyo dhallinyaradaasi la soo magacaabay, waxaana uu kula dardaarmay bulshada isboortiga in la joogteeyo isu imaatinka noocan oo kale ah oo wax wayn ka tari kara iska warqabka bulshada isboortiga ee ku kala firirsan dalka gudahiisa & dibaddiisa. Ugu dambayntii Ibraahim Galbeyte waxaa uu kula dardaarmay Masuuliyiintii la soo magacaabay iyo Miski in la hurumariyi Cayaaraha dibadda iyo Gudahaba.waxaa warkii qaatay maryan Ciise oo u ciyaari jirtay Kooxda ENG oo soo dhaweysay sagootinta miski iyo xubnaha la soo magacaabay ayadoo ku boorisay in sportiga la mideeyo lana hormariyo Xiriirwaliba,Waxaa halkaas ka hadlay Ku-xegeenkii hore ee Xoghayaha GOS Xasan Gella oo la dardaarmay Xubnahii la soo magacaabay in ay xil iska saaraan sidii loo hurumarin lahaa sportiga dalka gudahiisa iyo dibadiisaba,Miskina sii sagootiyay.




Waxaa hadalkii qaatay Agaasimaha Ururka SSUF MD: Axmed Xasan oo halkaas ka soo jeediyay warbixin kooban howsha uu qabto ururkiisa iyo in uu la mataaneysanyahay Ururkii Cayaaraha Qabanjiray,asagoo ku casumay bahdii sporti ee halkaas fadhiday barlaamij uu dhawaan qabanaayo bishaan dabayaaqadeeda in laga soo qeybgalo.

Waxaa hadalkii qaatatay Xiddigtii K/Kolayga Miski Cumar Cusmaan aydoo ka mahad celisay casho sharafta loo sameeeyey iyo sida diiraneyd ee la ii soo dhaweeyey wadanka Sweden iyadoo la qiyaaasi karin Farxadna i galisay habka soo dhaweynta, ayadoo hadalkeedii sii wadata ayay ka hadashay in isboortiga kor loo qaado lana mideeye loona midoobe lagana dheeraado wixii bur burinaayo sportiga oo maalmahaan soo ifbaxaayo,waxaan gudiga cayaaraha sanadka soo socda ka codsanayaa in lagu daro kooxaha kooxo gabdho si loogu sii diyaariyo Cayaaraha gabdhaha Qaramada oo dunida ka dhacaayo si aan uga qeybgalno, waa in Caruurteena ku dadaalno sidii aan uga samatabixinlaheen Caadooyinka xun xun oo yaalo yurub sida aan ogahay Sweden waa hooyadii isboortiga qurba jooga kana bilowdeen tartamada hadda ku faafay yurub ay hooyo u ahayd, ayadoo aqbashay casuumadda loo fidiyey tartanka Xagaaga ee K/Kolayga 2009.


Waxaa ayagana halkaas ka hadlay labadii Xubnood oo la soo Magacaabay Maxamed Muuse iyo yiinis galbeyte oo ka mahadceleyay Cashadaas sida fiican loo soo agaasimay ayagoo codsaday in garab lagu siiyo Xilalkaas loo magacaabay oo ah masuuliyad adag.
ugu danbeentii waxaa halkaas ka hadlay marti sharftii lagu martiqaaday cashadaas oo ka mahadceliyay sogootinta iyo soo dhaweynta ah,oo ay kala ahaayeen Madaxey,Siraad Buulle,iyo Sahra dheereey oo kulankaas aad u jecleesteen.
Waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh