Shirkii Xiriirada k/koleyga oo Qaahira Ka furmay.                                               

 

                                                                         

SWEDEN- shir weynaha guud ee xiriirada kubada koleyga ee wadamada jaamcadaha carabta ayaa qaahira ka furmay. Shirkani oo 4 tii sanaba mar la qabto ayaa waxaa ka soo qeyb geli doono 22ka wadan ee ay ka kooban tahey jaamacada carabta oo ay Soomaaliya ka mida tahay.

Waxaana shirkan Xiriirka Kubada Koleyga Soomaaliyeed ugu qeybgalaya Xoghayaha Guud ee XSKK Eng Bana Ali ayadoo muhiimada ugu weyn ay tahey in xiriirada ay ku doortaan gudoomiye cusub iyo gudiga fulinta ee jaamcada carabta iyo war bixin looga hadli doono waxqabadka iyo horumarinta xiriirada ee 4ta sano soo socota.

Mar aan qadka taleefoonka kula xariirnay Eng Bana ayaan waxaan wax ka waydiinay muhiimada ay XSKK u leedahay shirkan uu ka qebgalayo, waxuuna inoo sheegey in muhiimadoodu ay tahay,

·In aan xooojino isdhexgalka XSKK iyo xiriirada kale ee wadamada jaamcada carabta.

·In aan warbixin gaar ah ka siino masuuliyiinta jaamcagda carabta heerka kubada kolayga dalkeena iyo hawlaha baaxadda wayn ee na horyaala, qaasatan dhanka hor umarinta isboortiga soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana kubadda kolayga iyo

·In Soomaaliya ay ka mid noqoto xubnaha guddiyada kala gedisan ee ururwaynaha kubadda kolayga ee jaamcada carabta, tasoo kaalin weyn ka qaadan doonto horumarinta kubada kolayga soomaaliyeed iyo xiriirkaba.

Xoghayaha xiriirka soomaaliyed ee kubada kolayga ayaa dhinaca kale warar been abuur ah ku tilmaamay isla markaana beeniyey warar usbuucii ina soo dhaafey lagu qorey website ka mid ah kuwa sport ga, taasoo sheegeysey in XSKK la gudoonsiiyey hal konteenar oo qalab ah balse xoghayaha uu caddeeyey in xiriirka kubadda kolayga ee qaaradda Afrika uu u balan qaaday xiriirka soomaaliyeed sanadkii hore in uu ku dari doono barnaamijka horumarinta xiriirada xubnaha ka ah ee sanadka 2009 isla markaana ay siin doonaan 1000 (Kun) kubadood oo lagu cayaaro kubadda kolayga balse aan ilaa iyo hadda soo gaarin xiriirka soomaaliyeed ee kubadda kolayga.

 

 

                                                                       Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh