Tababarah xulka Talyaaniga ayaa sheegay inuu dersi weyn u tahay guul daradii ka soo raacday markii ay la ciyaareen xulka Holland taas oo looga adkaaday xulka Italy 3-0.
Donadoni wuxuu intaa ku daray inuu isku dayaayo inuu iloobo khasaaraha soo gaaray maxaa yeelay 20 sano ka hor ayaa ugu dambeeysay in natiijad tan oo kale lagaga adkaado xulka Italy.
Shir jara’id uu ku qabtay magaalada Baden ee dalka Austria ayaa wuxuu sheegay Donanadoni ineysan ka lumin doonin kalsoonida uu ku qabo cayaartoydiisa, laakin waxaa laga maarmaan ah in loo soo celiyo kooxda wadajirkoodi.
Wargeysyada Talyaaniga ayaa waxeey ku eedeynayaan Donadoni inuusan si fiican u dooranin lacibiintiisa, tusaale waxey u soo qaateen laacibbka weyn ee Del Piero iyo Antonio Cassano oo fadhiyay iyadoo kooxda lagu leeyahay 2 gool wuxuuna soo geliyay 2daa cayaartooy daqiiqadihii 65aad iyo 75aad ,cayaartii ku xigtay waxay galeen barbardhac,rajadooda aad bey u leedataa.
Waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar