Sweden 30/042009. Bahda Isboortiga Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayay ku soo dhaweeyeen isla markaana ku taageereen labada Mudane ee kala ah MD Yoonis Galbeyte oo loo Magacaabay Gudoomiye Ku-Xegeenka 1aad ee Xiriirka G/Gacanta iyo Maxamed Muuse oo loo magacaabay Xubin GOS.

Xafladaasi waxaa soo agaasimay isla markaana gacan weyna ka gaystey Boos Caato oo xafladaas dhigay
isla markaana ka hadlay marti sharaf lagu casumay cashada iyo sababta uu cashadaas u dhigay ayadoo lagu soo dhaweynayo laguna taageerayo labadaas mudane Howsha baaxada weyn leh ee loo magacaabay.
Ugu horeyntii waxaa halkaas ka hadlay mudane Boos Caato warbixin ka siiyay marti sharafka kulanka cashada caawa isla markaana ka sheekeyay wax qabadkii mudanayaasha ay soo qabteen ayagoo Magaalada Sweden kaalin Mugleh uga jiraan Cayaaraha Xagaaga heerka 1aad ayagoo ka gaysto wax u qabashada jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan xaafada Rinkeby dhalinyaradii ku noolayd in kuwa badan ka mid ahi ay ka badbaadeen inay suuqa galaan oo noqdaan kuwa xabsiyada maanta ka buuxa, sidaa darteed ku amaanaynaa wax qabadka xaga dhalinyarada iyo saacidida dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Sweden.




Waxaa asagana halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Cayaaraha Xagaaga ee heerka 1aad Xamdi Sheikh Axmed oo ka Mhadcelinayaa xafladan cashada ah dadkii soo qaban qaabiyay isla markaana ugu hambalyaynayaa mudanayaasha la soo magacaabay.

Waxaa hadalkii qaatay Bashii jeenyo Caawana farxad weyn bay itahay waana ka mahad celinayaa dadkii soo agaasimay Cashadaan isla markaana ugu hambalyeeyay Yoonis Galbeyte iy Maxamed Muuse kulan dardarmayaa inuu ka soo baxo howsha Qaran isla markaana ka fogaado waxyaabaha xun xun ee dhaawici kara magaciina inta aad xilka hayso iskana ilaalisaan Magacxumida waxna qabataan oo muuqdo.
Intaas kadib waxaa xaflada ka hadlay mudane Yoonis Galbeyte oo yiri caawa ma hadli karo qiirada iyo farxada munaasabadaan ay i qabtay saaxiibkeen qaaliga ah Boos Caato waana ka mahadcelinayaa run ahaantiina wax weyn bay i tahay inaan caawa Wada Casheyno ragii Sports Soomaaliyeed gudaha iyo dibadaba laga yaqiinay waxaan Codsaneynaa in garab nalagu siiyo Xilkaas weyn oo naloo magacaabay,waxaa rajeynaynaa in aan ka soo dhalaalidoono hadii ilaah yiraahdo.
Kadib waxaa halkaas ka hadlay Xoghayaha GOS C/laahi tarabi oo hadal dheer halkaas ka soo jeediyay iyo sidee GOS diyaar ugu tahay in ay wax la qabato Diyasbarada dibadda ee Cayaaraha maamulaan,wuxuu amaanay Xaflada Cashada iyo soo dhaweynata Xambaarsan Taageerida Mudanayaasha la magacaabay,asagoo halkaas kula dardaarmay una sheegay in wax la qabto oo la taaban karo iyo waxqabad deg deg ah
Dhan kale xafladatan ayaa noqonaysa xafladii ugu horeysay ee lagu soo dhaweeyo maamulka cusub ee GOS ,Guddiga olompikada soomaaliyeed iyo Xubanaha la magacaabay.
Doorashada GOS ee lagu qabtey dalka Jabuuti ayaa dadka Soomaaliyeed intiisa badan ee ku nool gudaha iyo dibada laga soo dhaweeyay isla markana laga taageeray wadanka Sweden.
Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh