Ronaldo oo ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka sanadka ee Yurub «Ballon d'Or»

Xidiga weyn ee Manchester United Cristiano Ronaldo ayaa sidii la filayey ku guuleystay abaalmarinta kubada dahabka «Ballon d'Or», ee la siiyo ciyaaryahanka sanadka Yurub ayna bixiso Jariidada isboortiga ka faaloota ee France Football.

Ronaldo waxaa u codeeyey inuu yahay ciyaaryahanka ugu wanaagsan Yurub 96 weriyayaasha aduunka ee isboortiga ka

faalooda kuwooda ugu caansan oo kiiba uu dooranayo 5ta ciyaaryahan ee uu isleeyahay wey ugu wanaagsanyihiin aduunka,77 ka mid ah waxey codkooda koowaad siiyeen Ronaldo oo sanadkan kooxdiisa Man.United usuura geliyey iney isku darsadaan horyaalka Ingiriiska iyo kan kooxaha Yurub isagoo helay 446 dhibcood halka Messi iyo Torres oo labaad iyo 3aad kala galayna ay sida ay u kala horeeyaan u kala urursadeen 281 iyo179 dhibcood.

Ronaldo oo sanadkii tagay kaalinta labaad ka galay ayaa abaalmarintaan kala qareegay Kaka, oo ah xidiga u ciyaara Milan, kaasoo hada lista tartamayaasha ka galay kaalinta 8-aad markii uu helay 31 cod.

23-sano jirkaasi ayaa noqonaya ciyaarayahankii 3-aad oo dalka Portuguese u dhasha oo hela abaalmarintaasi – marka laga yimaado rugcadayaasha 2-da ah (legendary pair) Eusebio oo qaatay 1965 iyo Luis Figo oo qaatay 2000,– halka uu xaga Man ka noqonayo xidigii 4-aad oo qaata abaalmarintaa marka laga soo tago George Best, Denis Law iyo Bobby Charlton.

Ronaldo oo sanadkii tagay dhaliyay 42 goals dhamaan tartamadii uu ciyaaray ayaa wuxuu kooxdiisa u kala qaaday Premier League iyo Champions League trophies.

Ronaldo ayaa abaalmarintaan Ballon d’Or waxey u noqoneysaa tii 4-aad ee uu qaato isagoo horey u soo kala qaatay abaalmarinada kala FIFPro World Player of the Year oo uu bishii October qaatay, Professional Footballers Association iyo Football Writers awards.

Wuxuu kaloo uu xalay noqday ciyaarayahankii ugu horeeyay ee ka ciyaara Premier League oo ku guuleysta abaalmarintaan tan iyo former Liverpool forward Michael Owen in 2001.


Wargeyska France Football ayaa bilowdey bixinta kubada dahabka ama ciyaaryahanka sanadka Yurub sanadkii 1956kii iyadoo sir Stanley Matthews noqdey xidigii ugu horeeyey ee abaal marintan hela, Johann Cruyff, Michel Platini iyo Marco van Basten ayaa ah xidigaha keliya ee min 3 jeer helay abaalmarintan.

Juventus iyo Milan ayaa ah kooxaha ugu badan ee ciyaaryahan u ciyaara ku guuleystay abaalmarintan oo ay min 8 jeer heleen halka dalalka Jarmalka iyo Holland ciyaaryahan u dhashay ay 7 jeer heleen iyagoo ah dalalka ugu badan ee ay laacibiintooda noqdaan ciyaaryahanka sanadka Yurub.

10kii ciyaaryahan ee helay dhibcaha ugu badan sanadkan:

1. Cristiano Ronaldo, Manchester United, 446 poeng.

2. Lionel Messi, Barcelona, 281.

3. Fernando Torres, Liverpool, 179.

4. Iker Casillas, Real Madrid, 133.

5. Xavi Hernandez, Barcelona, 97.

6. Andrei Arshavin, Zenit St. Petersburg, 64.

7. David Villa, Valencia, 55.

8. Kaka, AC Milan, 31.

9. Zlatan Ibrahimovic, Inter Milan, 30.

10. Steven Gerrard, Liverpool, 28

Sidii loogu kala guuleystay .
abaalmarinta Golden Ball, ee Wargeyska France Football iyo sidii loo kala qaaday:

1956-- Stanley Matthews, Blackpool

1957-- Alfredo Di Stefano, Real Madrid

1958-- Raymond Kopa, Real Madrid

1959-- Alfredo Di Stefano, Real Madrid

1960-- Luis Suarez, Barcelona

1961-- Omar Sivori, Juventus of Turin

1962-- Josef Masopust, Dukla Prague

1963-- Lev Yashin, Dynamo Moscow

1964-- Denis Law, Manchester United

1965-- Eusebio, Benfica of Lisbon

1966-- Bobby Charlton, Manchester United

1967-- Florian Albert, Ferencvaros

1968-- George Best, Manchester United

1969-- Gianni Rivera, AC Milan

1970-- Gerd Muller, Bayern Munich

1971-- Johan Cruyff, Ajax Amsterdam

1972-- Franz Beckenbauer, Bayern Munich

1973-- Johan Cruyff, Barcelona

1974-- Johan Cruyff, Barcelona

1975-- Oleg Blokhin, Dynamo Kiev

1976-- Franz Beckenbauer, Bayern Munich

1977-- Allan Simonsen, Borussia Moenchengladbach

1978-- Kevin Keegan, Hamburg SV

1979-- Kevin Keegan, Hamburg SV

1980-- Karl-Heinz Rummenigge, Bayern Munich

1981-- Karl-Heinz Rummenigge, Bayern Munich

1982-- Paolo Rossi, Juventus of Turin

1983-- Michel Platini, Juventus of Turin

1984-- Michel Platini, Juventus of Turin

1985-- Michel Platini, Juventus of Turin

1986-- Igor Belanov, Dynamo Kiev

1987-- Ruud Gullit, AC Milan

1988-- Marco Van Basten, AC Milan

1989-- Marco Van Basten, AC Milan

1990-- Lothar Matthaus, Internazionale of Milan

1991-- Jean-Pierre Papin, Olympique Marseille

1992-- Marco Van Basten, AC Milan

1993-- Roberto Baggio, Juventus of Turin

1994-- Hristo Stoichkov, Barcelona

1995-- George Weah, AC Milan

1996-- Matthias Sammer, Borussia Dortmund

1997-- Ronaldo, Internazionale of Milan

1998-- Zinedine Zidane, Juventus of Turin

1999-- Rivaldo, Barcelona

2000-- Luis Figo, Real Madrid

2001-- Michael Owen, Liverpool

2002-- Ronaldo, Real Madrid

2003-- Pavel Nedved, Juventus of Turin

2004-- Andriy Shevchenko, AC Milan

2005-- Ronaldinho, Barcelona

2006-- Fabio Cannavaro, Real Madrid

2007-- Kaka, AC Milan

2008-- Cristiano Ronaldo, Manchester United


C/laahi Xasan Baliil.

Baliilkhan10@Hotmail.Com

Xafiiska Warqabadka Cayaaraha Swedan.Com

Muqdisho-Somalia